top of page

Saamiyada Shirkadda Roob Roon

Roob Roon waxay ku wajahan tahay soo saarka qabdinka ilaa 25 000 oo tan ah sanadkii.  Qiimaha dalka uu ka joogaana maanta cadadkaasi uu yahay 10 million oo doolar

Roob Roon Somali.jpg

Qabadinka waxa laga sameeyaa Daqiiqda, Baastada, Boorashaska iyo maciishado kala duwan.  Waxa ku baxa $300 milllion doolar oo dibada Soomalidu kaga soo iibsato.  

 Roob Roon waxay kugu soo dhawaynaysaa fursad maalgashi oo ku dheehan Faaiido dhaqaale iyo  sugnaanta cuntada dalka oo cilmiyaysan. faah faahin dheeraada iyo macluumaad sugan adeegso foomka ku yaal shabakada.

Mashruuco waa laba qaybood marka hore oo ah 3400 acres oo dhul ah yadoo isticmaalaysa qalabka casriga ee loo  yaqaan Center Pivot Irrigation System. Ama giraamaha wareega ee biyaha u qaybiya dalaga. 

Shuruudaha Saamiga Roob Roon

1. Shaqada Shirkaddu waa  Dalaga Beeraha khaasatan qamadiga boqolkiiba 80% iyo boqokiiba 20% misirka, midhaha saliida (Sisin, sunflower)

2. Saamiga waxa ugu $2500 oo ka kooban toban saami ($250x10).

 

3. Saamaiga aad iibsan karto waxa ugu Badan $100 000 calaa shaqsi ama cadad ahaan oo 400 saami.

4. Xisaab Xidhka ugu horeeya waa sandaka ay shirkadu  iibiso dalaga beeraha oo laga iibinayo warshadaha Daqiiqda iyo kuwa saliida.

5.  Saamiga celinta:  qof kii ka baxaya shirkadda  waxay uu bilaabmaysaa sanadka ugu horeysa ee dalaga lasoo gooyo ee la iibiyo.  

6. Saamiluhu waa inuu cadayaa aqoonsi iyo sawir una soo diro shirkadda email ama whatsapp ahaan, ama xafiiska yimaad.

7.  waa inaad soo tabisaa Dhaxal suge ama next of kin.

8. Isticmaal akoonada laguu soo diro doono ee la socda macluumaadka aad codsatay si raasamaalka aad usoo dirto.

aerial-view-of-center-pivot-irrigation-sprinkler-i-2021-08-27-09-56-55-utc.jpg

Ka soo Gaadh Saamiga

Kaga qaybgal $2500 iyo wixii ka badan. Soo dir email si aad u hesho nidaamka maalgashiga, diraasada shirkadda, faa'iidada raasamaalkaagu kuu so celin karo.  

Xogta Dalka iyo Diraasada Biyaha

ModelFayyazVersion04AI_edited.png

Warshadaha Daqiiqda iyo Saliidu lacag badan oo doolara iyay dalka dibadiisa kaga soo iibsadaan qabadinka iyo midhaha saliida.   Roob Roon waxay ku guulaystay inay macaamiil waa wayn heshey. Faa'iidaana saamileyda iyaa heleysa.  

Daawo waraysigan ku saabsan Shirkaddii Hore ee Guudoomiyaha Roob Roon Dhamaystray 

Dhul badan, nidaamyada biyaha ee waaweyn ee dhulka hoostiisa mara iyo muuqaalka geotech ee wanaagsan ayaa Somaliland ka dhigaya meel ku habboon wax soo saarka dalagyada baaxadda leh.

Madaama uu roobki yaraaday abaarihiina soo bateen, cuntadiina qaaliyowday yadoo dagaalo ku habsadeen wadamadii laga iibsan jiray cuntada  waa in loo gudbaa farsamada aduunku u isticmaalo beeraha.

Lugtan hore waxa laguu qiimeeyayay inay ku baxayso 3 million dollars.

DJI_0078.JPG
Proposed Roob Roon.jpg

Maamulka Shirkadda

Shirkadda Roob Roon Waxa isugu yimid howl wadeenu ajinabiya, Soomali xirfadaha sare ee waxsoo saarka ku takhasustay horena dunida mashaariic kasoo fulisay iyo dalka gudahiisaba.  Sidoo kale deeganada iyo madax dhaqameedka, talada iyo wada shaqaynta dawlada si loo helo wax soo saar dhaxala oo waara. Faaiido dhaqaale oo sarena usoo celiya Saamileyda.  Ku soo dhawow Roob Roon waa kacdoonka horumarka ee jiilka maanta. Ku soo biir guusha.

 

Aasaasaha Shirkaddu waa Cabdirahman Sh. Axmed  oo haya  maamulka sare (CEO of Roob Roon). Shaqada maamulaha waxa ka mida helista maalgahsiga iyo isu keenida howl wadeena shirkadda.   Masuulku jagooyinka  u soo qabtay iyo mashaariicda uu hirgaliyay waxa kow ka ah Shrikadda  daqiiqda iyo calafka xoolaha Boodhari Mills ee hargeysa ku taal. 

bottom of page